Wararka naga soo gaaraya magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah.
Ninka dhalinyarada ah ayaa lagu Magacaabi jiray Shaafici Xaaji Diiriye, waxaana dilka geystay ilaalada Guri ay ka degan yihiin Dhuusamareeb Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare.
Marxuumka la dilay ayaa watay gaari nooca raaxadda ah, waxaana la sheegay in ay rasaas ku fureen.
Booliska magaalada Dhuusamareb ayaana ilaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin dilka dhacay iyo cida ka danbeysay.