Madaxweyne Deni” Caabuqa Coronavirus waa khatar dunida ku soo siyaaday”

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa hadlay tilaabooyinka ay qaaday Puntland Saacaddihii lasoo dhaafay ee looga hortagaayay Cudurka CoronaVirus ee dunida ku faafay.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Covid 19 uu yahay Cudur halis ah loona baahan yahay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dhammaan maamulada in ay qaadaan tilaabooyin deg deg ah.

“Caabuqa ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Dawladda Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah”

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay” Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.”