Dil ka dhacay degmada Waaberi

Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Uniseef ee Waaxda October ee degmada Waabari.

Kooxihii dilka geystay oo watay Bostoolado ayaa ku dhuftay ninkaasi dhowr Xabo, waxaana soo gaaray dhaawac culus inkastoo markii Isbitaalka la geeyay uu geeriyooday.

Maamulka degmada Waabari ayaa Risaala u xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay toogteen ninkaasi oo ka mid ahaa Ciidamada Nabad Suggida.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.