Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Gudaha Magaalada ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Ammaanka kadibna ay baxsadeen.
Askari oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxmuud Qeeyliye ayaa xilliga la dilayay waxaa la sheegay in uu saarnaa Mooto Bajaa mareysay Xaafada Kooshin, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay horay u sii qaateen Qoray uu watay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen nin dilka kadib ay goobta tageen Ciidamada Booliska, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka Askariga, sidoo kale sameeyay howlgallo baaritaan ah.
Weli sirasmi ah looma cadeyn dadka ka dambeeyay dilla askariga, iyada oo laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan aysan wax faah faahin ah ka bixin.


