Dil Caawa ka dhacay Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beldweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in caawa kooxo hubeysan ay Magaaladaasi ku dileen Nin Ganacsade ahaa.

Sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Dheere, waxaana lagu dilay xaafada Kooshin ee Magaalada Beledweyne.

Ciidanka ammaanka ayaa sida caadada aheyd waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilkan.