Diiwaangelinta Doorashada Muranka ka taagan oo ka socata Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ee muranka ka taagan  ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuraya is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ah ee ay dowladda Soomaaliya horay ugu dhawaaqday in laga qabanayo dalka, iyadoo lagu billaabayo doorashada goleyaasha deegaanka.
Is diiwaangelinta ayaa si rasmi ah looga daahfuri doonaa degmada Shangaani, ayadoo dadweynaha degmadaasi ay nasiib u yeesheen inay lagu billaabo muwaadiniinta loo diiwaangeliyo codbixiyaasha doorashada qofka iyo codka ee dowladdu horay u shaacisay.
Ammaanka caasimadda, gaar ahaan Degmada Shangaani ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo la filayo in masuuliyiin ka tirsan dowladdu ay daahfuraan is diiwaangelintan oo ah tii ugu horreysay ee Muqdisho ka dhacda in ka badan 50 sano ah.
Sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa dhibaato ku qaba xirnaashiyaha wadooyinka Muqdisho, iyagoona walaac xooggan ka muujiyay arrintan.
Qorshaha ay maanta guddiga doorashada ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn u diidan xubnaha mucaaradka, lama oga falcelinta ay ka sameyn doonaan.