Digniin kasoo baxday Taliska Booliska Gobolka Nugaal

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulan ku yeeshay Guddiga Amniga Gobolka, kaas oo uu shir guddoomiyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa  xaaladda Amni ee degaannada & degmooyinka Gobolka Nugaal, xilli lagu guda hjiro diyaar garoowga Maalmaha Ciida Soonfureed.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa farriin adag u diray Dadka Gadiidka ka furta Taarikada Ama Nambarka Gaariga Iyo Dhalinyarada xiliga Ciida Dadka Dhiba.

Taliyaha  ayaa u mahadceliyay Bulshada Gobolka Nugaal, isaga oo Ciidamada faray inay dardar geliyaan sugida Amniga degaannada Gobolka Nugaal, isla markaana ay u dhimriyaan dadka ay u adeegayaan.