Diego Costa ayaan wadin qorsheyaal uu kaga tegayo kooxdiisa Chelsea mana uusan u gudbin warqad uu ku codsanayo inay iska iibiso xagaagaan, sida ay fahamsan tahay shabakadda Goal.com.
Wararka kasoo baxaya Spain ayaa caddeynayey inuu 27 sanno jirkaani isku deyayo inuu xoojiyo heshiis uu kula laabanayo kooxdiisii hore ee Atletico Madrid isla markaana uu tababare Antonio Conte ku wargeliyey inuu doonayo inuu xagaagaan ka huleelo Stamford Bridge.
Laakiin shaqsi ku dhow xiddigaan ayaa u sheegay shabakada Goal.com inuu gooldhaliyaha asal ahaan kasoo jeeda Brazil balse heysta dhalashada Spain ku faraxsan yahay joojistiisa Chelsea isla markaana uusan isha ku heyn inuu ka tago xagaagaan,
Atletico Madrid ayaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka raadineysa gooldhaliye cusub, madaxweynaha kooxdaan ayaana sheegay inay ka fikirayaan inay lasoo wareegaan Costa, kaasoo laba sanno ka hor ka tegay kooxda ka dhisan Vicente Calderon Stadium markaasoo uu 32 milyan oo ginni ugu dhaqaaqay Galbeedka London.
Chelsea ayaa durba iska xoojisay weerarkeeda iyadoo 33 milyan oo ginni kula soo wareegtay gooldhaliyihii Marseille Michy Batshuayi, ka dibna N’Golo Kante ayey 30 milyan oo ginni uga soo qaadatay Leicester City Sabtidii.