Dibed baxyo hareeyay jasiiradda Okinawa

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay jasiiradda Japan ka tirsan ee Okinawa, waxaana ay diidan yihiin ciidanka Maraykanka halkaasi kaga sugan.

Mudaharaadka, oo ah kii ugu ballaarnaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay, ayaa ka dhashay kufsi iyo dil la sheegay in askari hore oo Maraykan ah uu u geystay haweeney ka tirsanayd dadka jasiiradda ku nool.

Dadka dibed baxa dhigaya ayaa dalbanaya in ciidanka Maraykanka ay Okinawa isaga guuraan.

Saldhiga ciidan ee uu Maraykanka ku leeyahay jasiiradda Okinawa ayaa waxaa kahawlgala 26,000 oo askari, waxaana uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay boqolkiiba 20 jasiiraddaasi.

Saldhiga ayaa qeyb muhiim ah ka ah xiriirka ammaan ee ay wadaagaan Maraykanka iyo Japan.