Dibadbaxyo xooggan oo ka socda dalka Giriigga

Booliska dalka Giriigga ayaa sunta dadka ka ilmaysa u adeegsaday dibedbaxayeyaal ka careeysan heshiiska jasiiradda Macedonia u ogolaanaya in ay la baxdo magaca cusub oo ah Jamhuuriyadda waqooyiga Macedonia

Dhalinyaro xiran maaskarada celisa sunta ayaa dhagxaan ku tuuraya booliska magaalada Thessaloniki, halkaas oo maanta galinka dambe lagu wado in rai’sal wasaare Alexis Tsipras uu kaga hadlo qorshihiisa ku aadan dhaqaalaha.

Shacabka reer Macedonia ayaa dhaamdka bishaan u codeyn doono badalka magaca dalkoodi.

Kumanaan dibedbaxaal ah ayaa lagu soo waramayaa in ka qeyb qaateen dibadbaxyada lagu dhigayo waddooyinka magaalada Thessaloniki, kuwaasi oo intooda badan kor u lulaya calanka Giriigga.

Muuqaalada iyo sawirada ay soo bandhigtay warbaahinta Giriigga ayaa muujinaya in ay weli sii socdaan dibadbaxayada.