Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo horey dhowr mar dib loogu dhigay.
Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta sheegay in doorashadu dhici doonto 19-ta bishaan December.
Doorashada ayaa horay loogu waday in la qabto 5 Bishaan ,laakiin Guddiga waxa ay sheegeen in cabaqado badan awgeed ay doorashadda dib u dhigeen.
Waa Markii Saddexaad oo la shaaciyo in dib loo dhigay doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed oo Shaki badan laga Muujinaayo.



