Dhismo ku socda Xarumaha Ciidamada Asluubta

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Wasaarada Cadaalada ay ka shaqeyneyso dib u dhiska iyo dib u dayactirka Xarumaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Xabsiga ugu weyn ee Muqdisho dib u dayactir xoogan uu ka socda isla markjaana uu soo dhamaanayo dibna loo dayac tirayo.

Wasiirka Cadaalada ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dib u dayac tir xoogan iyo dibu dhis lagu sameeyo Saldhigyada iyo Xarumaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya.

Waxa uu xusay in Wasaarada ay aad ugu shaqeyneyso sidii dib loogu soo celin lahaa awooda iyo howlihii wanaagsanaa oo ay bulshada u hayeen Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.