Hogaamiyayaasha labada dowladood ee iska soo horjeeda ee ka dhisan dalka Liibiya ayaa waxa ay gaareen heshiis wadajir ah oo la isugu dayayo in xasillooni loogu soo dabaalo dalkaasi.
Waxa ay isla garteen in la sameeyo xabbad joojin u dhaxaysa dhinacyada ay kala hogaamiyaan oo dalkaasi ka hirgasha.
Ra’iisul Wasaaraha dowladda ay baritaarto Qaramada Midoobay Fayez al-Sarraj iyo abaanduulaha milateriga Liibiya Khalifa Haftar, kaasi oo maamula bariga dalka, ayaa Talaadadii ku kulmay magaalada Paris.
Kulankooda ayaa looga gol-leeyahay sidii lagu soo afjari lahaa colaadda dalkaasi ka taagneyd tan iyo 2011-kii markaas oo xilka laga tuuray Kol. Mucamar Qaddaafi.
Waa markii ugu horreysay oo labadan mas’uul ay saxiixaan heshiis ay isla ogol yihiin.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo martigeliyay kulanka labadaasi nin ayaa sheegay in labada dhinac ee aadka isku haya mar dhaw loo arki doono astaanta dib u heshiisiinta Liibiya.



