
Afar Askari oo Ehello dhow ah ayaa laba kamid ah isku dilay laba kalena isku dhaawacay Xaafada Tarabuush oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kadib markii is rasaaseyn ay ku dhexmartay qeybo kamid ah degmadaasi Wadajir.
Askartaan oo katirsan Ciidamada Millateriga ayaa la sheegay inay isku qabsadeen guri kuyaalla degmada Wadajir, taas oo keentay inay is rasaaseeyaan, waxaana rasaasta ku dhintay laba askari oo lagu kala Magacaabi jiray Cali Nuur Xoosheey Cali Niic iyo Saciid Axmed Shalaqbeen halka ay dhaawacmeen Toxob Xasan Xadar liibaan Shalaqbeen.
Dadka kunool Xaafada Tarabuush ee degmada adajir ayaa aaad uga naxay falkaan, kuwaas oo qaarkood sheegay inay aad u yaqaaneyn kana mid ahaayeen Ciidamada Millateriga ee muddo badan ku sugnaa degmadaasi Wadajir.
Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaaa waxaa tegay Saraakiil ay kamid yihiin taliyaha saldhigga degmada Wadajir iyo kan qeybta Galbeed, iyaga oo xiray qaar kamid ah ciidamadii dagaalamay, sidoo kalena Goobta ka qaaday meydadka labada Askari, waxaana haatan degan xaalada Goobtii uu ka dhacay dagaalka.