Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ka dhacay degaanka Buurane oo u dhow degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo jugtiisa laga maqlay degaannada u dhow dhow degaanka Buurane.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa xilliga uu dhacayay waxaa degaanka Buurane marayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo kusii jeeday degaanka Qurac Madoobe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in qaraxa uu ku dhintay hal Ruux oo Shacab ah laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo goobta marayay xilliga uu qaraxa dhacayay.

laamaha Amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe mas’uuliyiin katirsan ayaa Goobta tegay wallow aysan wax faah faahin ah ka bixin qaraxaas, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay ay u dhow dahay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.