Wabiga Shabeelle ayaa bilaabay inuu ku fataho deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii uu sara kac ku yimid heerka biyaha wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Fatahaada ayaa lasoo warinaya in xoogeeda uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe
Fatahaada uu wabiga ka sameeyay deegaanada ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay iney baabi’isay dalagyo kala duwan oo ku beerna dhul beereed baaxad leh oo ay soo dhaweyd xiligii la goosan lahaa.
Waa markii labaad ee sanadkaan gudahiisa ay fatahaad ku dhufato qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo bishii April ee sanadkaan horay u baabi’isay dalagyo kala duwana kadib markii uu ku fatahay wabiga



