Dhex dhexaadin laga dhex bilaabayo Sacuudiga iyo Iran

Imran Khan, Prime Minister of Pakistan, speaks to reporters during a news conference at United Nations headquarters Tuesday, Sept. 24, 2019. (AP Photo/Seth Wenig)

Rai’sul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa booqanaya dalka dariska la ah ee iran.

Rai’sul wasaare Khan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dhexdhaxadiye ka noqdo wadahadalo dhexmara Iran iyo sacuudiga.

Xilli ay shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen magaaalada Tehraan madaxwayne Ruuxaani ayaa waxa uu sheegay in Pakistan aysan doonayn in ay aragto dagaal dhexmara Iran iyo Sacuudiga.

Mr Khan ayaa isku dayaya in uu dajiyo xiisada gobolka gacanka oo muddooyiinkii ugu dambeeyay cirka isku sii shareereysay.

Saraakiisha dalka Pakistani ayaa waxay sheegeen in uu la kulmi doono hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, iyo madaxwayne, Xassan Rouhani.

Mr Khan ayaa sheegay bishii aanu soo dhaafnay in Mareykanka uu ka codsaday in uu dhexdhexaadiye ka noqdo khilaafka Sacuudiga iyo Iran.

Waxaa sidoo kale Mr Khan lagu wadaa in uu booqdo toddobaadka soo socda dalka Sacuudiga.