Mas,uul ka tirsanaa Hirshabeelle oo Qarax lagu dilay

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in Qarax Bambo lagu weeraray Gudoomiye ku xigeen ka tirsan maamulka Shabeelle Dhexe.

Guddoomiye kuxigeenkii Amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxumed Sugaal iyo wiil yar uu dhalay ayaa ku geeriyooday qarax bambaano oo lagu weeraray guri uu Guddoomiye kuxigeenka ka deganaa Jowhar.

Kooxdii bambada ku weerartay Gudoomiyaha ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Sugaal ayaa noqonaya Guddoomiye kuxigeenkii labaad ee ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo qarax lagu dilo, bishoo hore ayaa qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii dhanka Maaliyada ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.