Kooxda kubada cagta ee degmada Dharkeenley ayaa ku guuleystay Koobka degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kooxda ayaa guusha gaartay kaddib markii 3-2 Rigoorayaal uga badisay degmada Waaberi.
Garoonka Caawa ay cayaartu ka socotay ayaa waxaa goob ka ahaa Xildhibaano,Wasiiro, iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.



