Kooxda daafacaneysa horyaalka France ee Ligue 1 ayaa dooneysa inay qaadato ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Carlos Bacca.
Xidigaan ayaa labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ka xamaalanaya horyaalka Seria A,waxaana uu xidigaan uu sameeyey bandhig wanaagsan oo ku kasbanayo dalabyo aan caadi ahayn.
Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in xidigaan ay indhaha la raaceeyso iyadoo dooneysa inay ka ciyaarsiiso horyaalka Spain ee La Liga.
The Sun ayaa sheegeysa in kooxda Ac Milan ay xidigaan kaga cabsi qabto in lacag waali ah usoo bandhigto kooxda PSG.
Xidigaan ayaa hada dhaliyey shan gool horyaalka Seria A ,waxaana uu kooxdiisa u ciyaaray lix kulan.


