Waxaa maanta Magaalada Qardho gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaamiyaanyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu socdaalka shaqo ku joogay magaalada Qardho waxa uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna kala hadlay arimaha doorashooyinka dalka iyo horumarda kala duwan ee ay ku tallaabsadeen maamulka iyo shacabka degmada Qardho.
Mudane Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale bulshada magaalada Qardho waxa uu ugu baaqay in ay laba laabaan dadaallada ay ugu jiraan dib u dhiska dalka iyo ladagaalanka nabad diidka ku howlan carqaladeynta amniga iyo wadanoolaanshaha.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan diyaar garowga Doorashada dalka oo ay ka hartay mudo aad u kooban.



