Maxay tahay sababta uu Wasiir Soocadde isku casilay ?

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan (Soocadde) ayaa la sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu u gudbiyay Warqadii uu kaga tagi lahaa shaqadii uu ka hayay Maamulka Puntland, sidoo kalena Madaxweynaha uu ka aqbalay codsigaasi.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedka uu shaqada kaga tagay in ay tahay khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka Puntland iyo Beeshiisa.

”Waa sax waan iscasilay, waxaana isku casilay arrimo ii gaar ah, Puntland waa Maamulkeygii, Dalkuna waa Dalkeygii, Ayuu yiri Wasiir Soocadde.