Xildhibaano iyo Wasiiro kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ku fashilmay hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.
Waxa ay sheegeen in maamulka uusan dhaafsiin Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha dibada dowladda Soomaaliya Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed intii uu jiray in uusan waxba u qaban bulshada kunool gobolada Bakool, Baay iyo sidoo kale Shabeelaha Hoose.
Ugu dambeyntii kulankaan ayaa lagu soo bandhigay Waxyaabo badan oo la sheegay in uu ku fashilmay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed .
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxtinimada Soomaaliya, asagoo wali haaya xilka Madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed.


