Ciidama Dowladda iyo Ciidamada Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ayaa shalay ka soo dhaqaaqay Deegaanka Moqokori waxayna u soo dhaqaaqeen dhanka Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Shabeelada dhexe, ciidamada ayaa dadka deegaanka waxay sheegeen inay xalay ku hoyden Deegaanka Oday Nuur oo ka tirsan Hiiraan una jira qiyaastii 15KM degmada Aaden Yabaal oo Shabeelada dhexe ka tirsan.
Saaka ayaa waxaa la soo sheegayaa inay Ciidamada soo dhaqaaqeen fariisinna ka samaysteen deegaanka Mabaax oo isla Hiiraan ka tirsan , una jira Degamada Aaden Yabaal qiyaastii 7KM una jirta qiyaastii 3KM xadka ay wadaagaan Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in degmada Aadanyabaal saakay ay halkaas ka taagan Xiisad colaadeed, kadib markii Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethopia la sheegay in ay saakay kusoo jeedaan degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabelle dhexe.
Dadka kunool Aadan yabaal ayaa saakay bilaabay barakac ,maadaam ay cabsi qabaan in uu dagaal halkaas kadhaco,ciidamada Ethopia ayaa la sheegay inay ka soo ruqaansadeen dhanka gobalka Hiiraan si ay kula wareegaan degmada Aadan yabaal oo la aaminsanyahay in ay sugan yihiin dagaal yahano badan oo katirsan Ururka Alshabaab.
Qaar ka mid dadk deegaanka oo hadlay Risaala ayaa sheegaya in hada cabsi qabaan in dagaal halkaas ka dhaco islamarkaana ay bilabeen in ay barakacaan.
Saraakiisha ciidanka dowlada soomaaliya ee gobalka Shabelle dhexe oo la hadlay Risaala ayaa sheegay inay doonayaan inay Ururka Alshabaab kala waregeen degmada Aadanyabaal ee goblka shabelle dhexe.
Degmada Aadan yabaal ayaa waxaa Saldhigyo weyn ku leh Ururka Alshabaab, waxaana la aaminsanyahay in ay halkaas ku sugan yihiin saraakiil sar sare oo karirsan Alshabaab.


