DHAGEYSO:Maamulka Koofur Galbeed oo diyaariyay inka badan 1000 askari

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay iney diyaariyeen ciidamo badan oo maamulkaasi ka tirsan kuwaasi oo dagaal ku qaadaya goobaha Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Koofur Galbeed.

Ciidamada la diyaariyay oo gaaraya ku dhawaad 1000 (Kun) askari ayaa la sheegay in loo qorsheeyay in Alshabaab ay ka saaraan inta u dhaxeyso degmooyinka Waajid iyo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xildhibaan Ugaas Isaaq, oo kamid ah xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ciidamadaasi la siiyay tababaro dhameystiran, waxayna kaashan doonaan ciidamada dowlada Ethiopia ee kusugan koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in dhawaan ciidamada ay qaadi doonaan guluf colaadeed oo ka dhan ah ciidamada Al-shabaab ee kusugan deegaanada Koofur Galbeed si halkaasi looga saaro.

Al-shabaab ayaa go’doomiyay degmooyin ku yaala deegaanada maamulka Koofur Galbeed kuwaasi oo ciidamada dowlada ay qabsadeen balse ay adkaatay in dadka deegaanka ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin ee dhanka nolosha.