DHAGEYSO:Faah-faahin kasoo baxeyso dagaal ka dhacay Wabxo

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Wabxo  ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay duleedka degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka oo isbaheystay ayaa la sheegay iney dagaal kala hortageen ciidamo ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Wabxo, waxaana dagaalka ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii dadka deegaanka oo ka carooday waxyeelo ay kala kulmeen Alshabaab weerar ku qaadeen, sida dadka deegaanka qaarkood ay u sheegeen idaacadda Risaala.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan hayada sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in dagaalkaasi lagu dilay afar kamid ah Al-shabaab.

Alshabaab ayaanan wali ka hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.