ka dib markii Dhawaan dowladda Sacuudiga ay ku dhawaaqday in ay joojisay xoolihii laga soo dhaafin jiray dalka Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay bilowday sidii baaritaan lagu sameyn lahaa xoolihii laga soo celiyay Sucuudiga ee la sheegay in laga helay cuduro.
Wasiirka Wasaarada Xanaada Xoolaha dowladda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku aadan cudurada la sheegay in laga helay xoolihii la geeyay dalka Sacuudi Carabiya ay bilowday.
Wasiirka ayaa sheegay in ay u xil saareen arintaasi Guddi ,islamarkaana wax badan laga qaban doono arintaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayso in dowladda Sacuudiga ay dib ugu fasaxdo xoolihii laga dhoofin jiray Soomaaliya.


