Iyadoo Magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan dadaalo Nabadeed ayaa hadana waxaa wali xiran wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Gaalkacyo.
Gawaarida waa weyn waa ay adagtahay in ay iskaga gudbaan Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug Xasan Maxamed Khaliif iyo Cabdirashiid Carte ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan la furi doono Wadooyinka.





