Dhageyso:-Yuusuf Madaale”Amniga Muqdisho meeshii ugu xumeyd ayuu joogaa Isbarbar yaac ayaana ka jira”

Iyada oo maalmihii dambe uu sii xumaanayay amniga Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa jira Siyaasiyiin iyo Bulshada qaarkood oo dowladda Federaalka ku dhaliilaya habka ay u mareyso sugida Amniga dalka.

Guddoomiyihii hore ahaana duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay wadaan dadaal farabadan, isla markaana dadka muqdisho ay dhibaatooyin ku qabaan xernaanshaha wadooyinka hadana ay dhacayaan falalka amnidarro.

Isaga oo wareysi siinayay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in amnidarrada ka jirta Muqdisho ay sabab u tahay in dowladda federaalka ay ka gaabisay la-dagaalanka Shabaab,isla markaana ay iyada gambad ku jirto.

“Runtii amnidarrada magaalda waxaa sabab u ah dowladda ayaa ka gaabisay weerarada Al-Shabaab,marka iyadaa weerar lagu soo yahay culeyskana shabaab Muqdisho ayay soo saareen,laakin waxa ay u baahan tahay in cadawga meesha uu joogo loogu tago oo lagula dagaalamo ayuu yiri Yuusuf Maxamed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in isbedelkii dalka ka dhacay ay dadku filayeen in amniga Magalada meesha uu joogo kasii wanaagsanaado, hayeeshee haatan amniga uu faraha ka baxay,waxaana uu sheegay in Shabaab deegaanadii horay looga qabsaday ay dib ugu soo laabanayaa,isla markaana ay dhiiragelin badan heleen.

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay kalsooni ka kasbato Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu baaq u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhameystiran.