DHAGEYSO: Yariisow” Agaasime ordaaya lama rabo”

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa daah furay shir loogu hadlaayay nidaaminta maamulka maaliyadeed ee gobolka.

Shirka waxaa ka qeyb galay agaasime waaxeedyada dowladda hoose, waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale loogu hadlay sidii lagu hormarin lahaa laguna kordhin lahaa dhaqaalaha soo gala dowladda hoose.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda hoose lacagihii badnaa ee lagu arki jiray lagu sii arko ayna ka shaqeynayaan in ay hagaajiyaan nidaamka maaliyadeed.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in waax kasta oo dowladda hoose ka mid ah lagula xisaabtamayo shaqada loo xil saaray.

Waxa uu tilmaamay in aysan jirin doonin nidaam isbarbaryaac ah oo lagu arko maamulka gobolka banaadir.