DHAGEYSO: Yaa ka qeyb galaya Caleemo Saarka Farmaajo ?

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Munaasabad lagu Caleemo Saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah Soomaaliya, Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mid ah xubanaha Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo Saarka ayaa Risaala u sheegay in si aad ah loogu diyaar garoobay Munaasabadan, sidoo kalena ay rajeynayaan in ay si nabad ah ku dhacdo.

Waxa uu sheegay in ay xafladan ka soo qeyb geli doonaan qaar ka tirsan Madaxda wadamada Geeska Afrika, Madaxda Maamul Goboleedyada, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, iyo marti sharaf kale oo la soo casuumay.

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan waxba ku kala duwanaan doonin Caleemo Saarkii 2012-kii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo mida hada Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa wareysigii uu siiyay Risaala waxa uu ku soo gaba gabeeyay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho ay ka raali gelinayaan xirnaanshaha wadooyinka maanta oo Arbaco ah oo dhaceyso xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha, loogana baahan yahay shacabka in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka.