DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya oo ka deyrisay xaaladaha abaareed ee ka jira dalka

Xukuumada Soomaaliyeed ayaa si aad ah kaga hadashay xaaladaha abaareed ee xilligan dalka ka jira kuwaas oo saameeyay dal iyo duunyo.

Abaaraha ugu daran ayaa hada waxa ay ka jiraan deegaanada uu maro wabiga Shabeelle,  taas oo keentay in nolosha ay ku adkaato dadkii shacabka ahaa iyo duunyadii halkaasi ku nooleed.

Xoolo dhaqatada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa xilligan waxa ay walaac ka muujinayaan meel ay u raadsadaan biyo ay cabaan.

Sidoo kale abaaro xoogana ayaa waxa ay ka jiraan deegaano ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland.

Xukuumada Soomaaliya oo arintaasi ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in ay aad uga walacsan tahay abaarta ku dhufatay gobolada dalka qaarkood, iyadoo beesha caalamka ka dalbatay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka wasiirada ka dib hadlay ayaa ka warbixiyay abaaraha ka jira gobolada dalka qaarkood.

Golaha wasiirada ayaa shalay waxa ay magacaabeen guddi soo qiimeeya heerka ay gaar siisan tahay xaaladaha abaareed ee dalka ka jira.