DHAGEYSO: Xukuumada oo ka hadashay Qorshe lagu kordhinayo Dhaqaalaha Dalka

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ceynte ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay Qorshe ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso Saddexda sano ee sooo socota in lagu kobciyo dhaqaalaha guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in hada uu soconayo Dadaalo ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in dhaqaalaha Dalka ay si wadajir uga wada shaqeeyaan Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dowladda, kaas oo loogu shirkoobayo kobaca dhaqaale ee Dalka.

Wuxuu sheegay in ay dejiyeen siyaasad Qaran oo lagu kobcinayo dhaqaalaha Dalka, isagoo sheegay in Saddexda sano ee soo socota Dalka uu sameeyo kobac dhaqaale.