Maka Al-Mukarama-RisaalaFM- Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa gaaray Magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarama, halkaasi oo dhowr cisho kadib ay ka bilaabi doonaan gudashada Acmaasha Xajka sanadkan 2016-ka.
Xujeydaasi oo haatan ku sugan goobaha barakeysan gaar ahaan cimaaradaha Safa, Marwa iyo goobo kale oo ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarama ayaa waxa ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay, iyadoo maalmo yar ay ka harsan yihiin gudashada Acmaasha Xajka.
Kaaliyaha Qunsulka Guud ee u fadhiya Dalka Soomaaliya ee Magaalada Jiddah Ayuub Ismaaciil yuusuf ayaa waxa uu ka warbixiyay qorshaha Guddiga xujeyda Soomaaliyeed ay ugu tala galeen habsami gudashada Xajka sanadkan.
Guud ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jirta habsami u bilaabilda Xajka, waxaana ay dhameystirtay dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen Malaayiinta Dhuyuufu-raxmaanka ah ee martida ku ah Dalka Sacuudiga.


