Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in loo diiday in ay gaaraan Gobolka Gado gaar ahaan Magaalada Baardheere.
Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan(Alenkeey) oo kamid ah Xildhibaannada loo diidey inay garoonka ka dhoofaan ayaa sheegay inay tageen garoonka lagu wargeliyey in gebi ahaan wax diyaarad ah aysan aadeen gobolka Gedo.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista iyo Hawada Soomaaliya ayuu sheegay inay ku wargeliyeen in laamaha amniga ay ku raadjoogaan Wasiirkii Amniga Jubbaland Crashiid Janan oo dhawaa baxsadey,balse Maanta gaarey Kismayo.
Sidoo kale Xildhibaannada Maata Muqdisho Warbaahinta kula hadlay waxaa ay shegeeen in Ciidamo dheeraad ah oo Dowladda katirsan la geeyay Baardheere diyaaradihii aadi jirayna la hakiyay.



