Muqdisho-RisaalaFM- Doorashada maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaa lagu doortay 6 kursi oo ay ku tartameen Musharxiin dhowr ah.
Musharaxiinta guuleysatay ayaa waxa ay kala yihiin:-
- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Maxamed Cumar Carte oo helay codad gaaraya 47 cod
- Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo helay 48 cod
- Caasho Maxamuud Cumar
- Axmed Dhimbil Rooble
- Yurub Axmed Raabe
- Maxamed Ibraahim Cabdi.
Doorashada ayaa sii socon doonta sida qorshuhu uu yahay, waxaana sidoo kale Muqdisho lagu dooran doonaa xubnaha Aqalka Sare ee matalaya gobalada Waqooyi ee dalka.


