Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda degaanada Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay Miisaaniyadda Dowladda ee hada hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay 64 xildhibaano oo ka soo jeeda Hirshabeelle in ay ka soo horjeedaan arrinta Miisaaniyadda la xiriirta ee hada hortaalla Baarlamaanka Federaalka.
Wuxuu sheegay Miisaaniyadda in aysan aheyn mid cadaalad ku fadhida, sidoo kalena aysan ahen mid shacabka Soomaaliyeed ay u siman yihiin.
Daahir Amiin Jeesow sidoo kale wuxuu sheegay Miisaaniyadda meelaha qaar in si mug leh loogu gacan buuxiyay, meelaha qaarna laga dhigay si aan loo baahneyn.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa looga fadhiyaa in ay dib u saxdo qaladaadka kala duwan ee ka jira Miisaaniyadda Dowladda, ee hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya.


