Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada waxa uu warbixin ka siiyay halka ay marayaan qorshaha Soomaaliya ay kula wareegeyso Maamulka Hawada.
Wuxuu sheegay Wasiirka in Wasaaradda ay wado dadaaladii ugu dambeeyay islamarkaana ay rajeynayso in la soo gaba gabeeyo qorshaha Soomaaliya ay kula wareegeyso Maamulka Hawada.
Wasiirka ayaa sidoo kale Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay qodobadii ka soo baxay kulamo uu la qaatay dowladdo ay Kenya ka mid tahay.
C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay dowladda Kenya in ay sheegtay Garoonka Muqdisho in uu yahay garoon dhameystiran oo hormar weyn iyo isbadal laga dareemayo.



