DHAGEYSO: Xildhibaano Jubbaland ka tirsan oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Kismaayo-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yaashay Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu kulankooda ku qotomay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Laba xildhibaan oo ka tirsan.

Xil ka qaadista xildhibaanadan ayaa timid kadib markii lagu eedeeyay in ay jabiyeen Dastuurka Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Kulankan oo ay yeesheen Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayna soo xaadiraan 46 xildhibaan ayaa waxa ay xilkii xildhibaanimo kala laabteen Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf.

Xildhibaan Geelle Aadan Saliid kana mid ah Guddiga Anshaxa Maamulka Jubbaland ayaa saxaafada ka hor aqriyay qodobada ay u adeegsadeen xil ka qaadista labada xildhibaan.