DHAGEYSO WAREYSI: Askari wiil dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow isgoyska bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj.

Wiilka la dilay oo ahaa dhalinyaro ayaa waxa la sheegay in khilaaf uu soo gala dhexgalay Askariga dilay.

Askarigii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadkii jooggay goobta ay wax ka dhaceen ayaa Risaala uga waramay.