DHAGEYSO: Xildhibaanada Galmudug oo mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Cadaado-RisaalaFM- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, kaasi oo maanta wareysi uu siiyay Risaala ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka (Carabey) laga dhigay xabsi guri.

Xareed Cali Xareed Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug oo caawa la hadlay Risaala ayaa sheegay xildhibaano gaaraya 47 in ay mooshin ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay xildhibaanada in Guddoomiye Cali Casir ay ku eedeynayaan ilaa Sagaal qodob, taasina ay keentay in ay mooshin ka gudbiyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ka soo horjeestay mowqifka uu Madaxweynaha Galmudug (Xaaf) uu ka istaagay khilaafka ka jira Khaliijka.