Cadaado-RisaalaFM- Xildhibaanada ka soo horjeeda C/kariin Xuseen Guuleed ee sheegay in ay xilkii ka qaadeen ayaa iska diiday in ay la kulmayaan Xildhibaano ka socda Dowladda Dhexe oo degaanka ka soo jeeda, kuwaasi oo tagay Magaalada Cadaado.
Xubnaha Xildhibaanada ah ee tagay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa hogaaminaayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Xildhibaano kale oo deegaanka ka soo jeeda.
Sababta kulanka Xildhibaanada ay u diideen ayaa waxa ay tahay inay ku eedeynayaan (Odawaa) iyo Xildhibaanada kale inay doonayaan xafiiska inuu sii joogo C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Waxa ay beeniyeen Xildhibaanada Galmudug sababta ay u kiciyeen Siyaasada tahay kadib markii aysan Mushaar qaadan muddo,waxaana ay sheegeen in mushaarka ay uga daran tahay danta Galmudug iyaga oo taas ka duulayana ay xilka qaadis ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug.
Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sii korodhay, markii ay go’aankooda ku adkeysteen Xildhibaanadii xilka ka qaaday Guuleed.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto aayaha Maamulka Galmudug, maadaama Maamuladii kale ee dalka laga dhisay ay ku tilaabsadeen horumaro dar dar leh.


