DHAGEYSO: Xildhibaan Jeesow” Qaraxyadda Tacsi kuma filnaa tilaabo ha la qaado”

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay qaado tilaabo deg deg ah oo wax looga qabaanaayo Qaraxyadda magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Qaraxii shalay uu ahaa Musiibo Qaran , islamarkaana aan loo baahneyn tacsi laakiin dowladda laga doonaayo in ay qaado tilaabo cad.

Waxaa uu xusay Jeesow in ay muhiim tahay in Al-Shabaab lagu weeraro goobaha ay ku sugan yihiin.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay Qaraxii shalay Galab ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Soobe, waxaana dowladda Soomaaliya ay wali waddaa gurmad.