Beledweyne-RisaalaFM- Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Degaanada Hirshabeelle ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ku saabsan Maamulka Hirshabeelle.
Waxa uu sheegay hadii ay yihiin xildhibaanada ka soo jeeda Degaanada Hirshabeelle in ay la shqeynayaan Maamulka Hirshabeelle, si uu ula tartamo Maamulada Kale.
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa ku baaqay muhiim in ay tahay sidii loogu jeesan lahaa Hormarka, Nabada, iyo wax walba oo guul uu ku gaari karo Maamulka Hirshabeelle.
Dhowaan ayaa lagu wadaa in la soo dhiso xubnaha Golaha Wasiirada ee Maamulka Hirshabeelle, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.


