Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa saakay ku geeriyooday Allaha Unaxariistee Xildhibaan C/qaadir Faarax (Bootaan) oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaan C/qaadir Faarax (Bootaan) ayaa waxaa xaalad caafimaad loogu qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii dhaawac culus uu ka soo gaaray Qarax Gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 8-dii bishan.
Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay Geerida xildhibaan Bootaan.
Dhanka kale Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur ayaa dhammaan Ehelada, Baarlamaanka Puntland iyo shacabka Alle uga baryay in Samir iyo Iimaan uu ka siiyo.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Cali Siyaad.


