Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay in ay u tartameyso Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay la timaado isbedel siyaasadeed oo dhab ah, lana Xiriira Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay tahay shaqsi keligeed ah oo u taagan qabashada Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka oo aan ku tiirsaneyn sida ay sheegtay Koox iyo Dowladdo gaar ah.
Waxa ay Xildhibaanada Baarlamaanka ka dalbatay iney Codka siiyaan, kuna doortaan Kartida, Aqoonta, iyo Isbadalka Siyaasadeed oo ay dooneyso.


