Mudug-RisaalaFM- Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyaha saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug Korneyl Ismaaciil Warsame Xirsi, kadib munaasabad ka dhacday Degmadaasi.
Xil wareejinta waxaa joogay Taliyaha Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Cusub ee Saldhiga Ciidanka Booliska Goldogob iyo xubno kale.
Cismaan Xasan Cowke Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in Taliyihii hore looga baahan yahay in uu soo gudbiyo dhamaan agabka Taliska Booliska ee uu hayo, si loogu wareejiyo Taliyaha kale.
Waxa uu Taliyaha Cusub faray in uu shaqadiisa guto si dhowna ula socdo dhibaatooyinka ka dhanka ah Hablaha ee ka dhaca Magaalada Goldogob.
Taliyaha Cusub ee Goldogob C/Xamiid Warsame Cilmi ayaa isna dhankiisa amaanay ninka uu badalay wuxuuna tilmaamay in Shaqdiisa ugu horeysa ay noqoneyso wax ka qabashada Gabood falada ka dhanka ah Bini’aadannimada.
Dhowaan Magaalada Goldogob ee Gobolka Mudug waxaa ka dhacay kufsi wadareed loo geystay 2 Gabdhood, kuwaas oo ay geysteen 6 Dhalinyaro ah.


