DHAGEYSO: Xaaladaha abaareed ee ka jira Soomaaliland oo sii kordhaya

Degmada Boorame ee gobolka Awdal ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaaro aad u daran oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

Shacabka ku dhaqan halkaasi ayaa is xilqaamay si ay u caawiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha iyadoo wali xukuumada Soomaaliland aysan wax gurmad ah la soo garaarin dadka ay abaartu haleeshay.

Waxaan qadka telefoonka kula xiriirnay wariye Nuux Kadiye oo ku sugan degmada Boorame waxaana aan wax ka weydiinay abaaraha halkaasi ka jira.