DHAGEYSO: Xaalada degmada Garbahaarey oo saakay dagan

Qaaraxan wuxuu ahaa miino lagu aasay goob maqaaxi ah oo ay fariistaan ciidamada iyo waliba dadka shacabka ah oo ay shaaha ku cabaan sida ay noo sheegeen saraakiisha maamulka Garbahaarey.

Inta la ogyahay waxaa ku dhimatay 2 ruux halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen dhamaantoodna dadkaas waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo xilligaasi ku qaxweynayay.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay sida xaalada ay tahay.

Saraakiisha maamulka Garbahaarey iyo kuwa maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ay wali wadaan howlgallo inkastoo aysan sheegin howlgaladaasi cida ay ku soo qabteen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa qaraxyo waxa ay ka dhacayeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, qaraxyadaasi oo lala eegtay qaarkood ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ee halkaasi ku sugan.