Dawladda South Sudan oo la dhaliilay

Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dawladda Koofurta Sudan ay si ula kac ah cubur ugu dishay 60 rag ah oo ay ku dhax xirtay koontaynarka maraakiibta.

Maydadkooda ayaa waxaa lagu daadiyay duleedka magaalada Leer ee gobalka Unity, State sida ay sheegtay Amnesty International.

Baarayaal ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in ay haleen qalfoofka dadkaasi ay dawladdu dishay bishii October ee sanadkii la soo dhaafay.

Qaraabada dadkaasi la dilay ayaa hay’adda u sheegay inay isugu jireen ganacsato iyo ardo oo aanay ku lug lahayn dagaalada.

Dawladda wax jawaab ah kama bixin eedaymahani.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dalkaasi, malaayiin qofne way ku barakaceen tan iyo markii colaadda ay ka billaabatay sanadii 2013-ka